Xavi Hernandéz oo u waramaya warbaahinta Sport: “Cabsi? Waa maxay cabsi? Taas lidkeeda, Old Trafford wey idhiirigelisaa — waa mid ka mid ah garoomada aad rabto inaad ugu yaraan hal mar ku ciyaarto noloshaada, halkaas oo ay tahay inaad ka soo saarto waxa ugu fiican.”
Xavi: “Waxaan haystaa xasuus aad u wanaagsan kulamadii aan ka ciyaaray England, si fudud sababtoo ah waa mid qaas ah in aan halkaas ka ciyaaro - waa isku xirka kubada cagta.”
Xavi: “Garoomada, taageerayaasha, kuwaas oo aan joojin farxadda.. Wax walba waxay leeyihiin dhadhan gaar ah oo aan meel kale lagu arag dunida. Bal qiyaas, farxad ayay ii tahay inaan ku laabto Old Trafford, mid ka mid ah garoomada ugu fiican iyo kooxaha aduunka ugu waaweyn.”
Xavi oo ka hadlaya ten hag: “Aad ayuu u fiican yahay, aad ayaan uga helaa isaga. Koox ayuu dhisay ciyaartooydiisa oo dhan sida ugu fiican ayay usameyan. Taasi si fiican ayay uga hadlaysaa. Xeelad ahaan aad ayuu u fiican yahay qolka labiska ayuuna si fiican u wareejiyaa. Waxa uu soo saarayaa xirfada ciyaartoydiisa. Waad aragtaa Sancho, Rashford, ninka Portaqiiska [Bruno Fernandes] Fred siduu u ciyaarayo fiiri.”
Xavi: “Adeyga? Hagaag, waan ogaanay tan iyo markii [bareejada aan galnay]. Waxaan nahay koox geesiyaal ah oo jecel in ay weeraraan oo mar walba guuleystaan. [Ciyaartaan] ma noqon doonto mid nalaga reebo.”
Xavi: “Waxay la mid tahay ciyaar weyn oo Champions League ah, duruufo jira awgood - sababtoo ah khaladaad ayaan samaynay iyo sababtoo ah labada kooxoodba waxay ku jiraan waji dhisme - waxaa laga ciyaarayaa Europa League.”
Xavi: “Laakiin, waa kulan xiiso badan. iyo mid ka mid ah kulamadaas oo qof walba doonayo inuu ciyaaro ugu yaraan hal mar noloshiisa.”
Tags:
Wararka kooxda