Shirka jaraa'id ee Xavi Hernández ka hor kulanka caawa Manchester United ee Old Trafford.
Xavi: “Waxay noqon doontaa ciyaar adag. United waa mid ka mid ah kooxaha ugu fiican yurub waqti xaadirkaan, waxaana rajeyneynaa inaan sameyno intii karaankeena ah.”
Xavi oo ka hadlaya in lugta labaad ay la mid noqon doonto tan koowaad: “Waxaan u maleynayaa in ay la mid noqon doonto. Jawiga dartiis ayay sii cadaadin doonaan, waxay noqon doontaa mid ka mid ah ciyaaraha ugu fiican ee Yurub lagu arki karo.”
Xavi: “United way soo laabatay. Waxay xitaa u tartamayaan horyaalka Premier League. Beri waa fursad lagu tusi karo in Barça ay la tartami karto waaweynka Yurub.”
Xavi oo ka hadlaya bilowgiisii XI ee ciyaarta: “Waxaan qabaa fikradda, isku soo dhawaanshuhuna wuxuu noqon doonaa isku mid haddii aan la ciyaarno seddex ama afar daafac dhexe. Waan dhiiranahay, waxaan u maleynayaa inaan ciyaari karno ciyaar fiican. Waxaan haysanaa fursad kasta oo aan ku guulaysan karno. Berri waxay noqon doontaa imtixaan.”
Xavi: “Mar hore ayaan go’aansaday XI, laakiin ciyaartoydu weli ma oga. Waxaa naga maqan Pedri iyo Gavi, laakiin waxaan u iftiimin lahaa maqnaanshaha Dembele wax kasta oo uu na siiyo. Pedri wuxuu na siinayaa laxan, Gavi wuxuu na siinayaa niyaddii laga maarmaanka aheyd ee caawa.”
Xavi: “Waxaa jira isbeddel lagu gudi karo maqnaanshaha Pedri iyo Gavi, waa inaan keennaa dalab, niyad...”
Xavi oo ka hadlaya Ronald Araujo: “Waxaan isku dayay inaan la galo khataro, maaha tayadiisa ugu weyn. Markaad xaalad ku qasabto waxay ku siinaysaa hubanti la'aan. Mar walba waxaan rabnaa inaan ka ciyaarno half mucaaradka, hadaad aragto sida uu kubada u baasayo, jiho badalasho, wax badan ayuu soo kordhiyay.”
Xavi oo ka hadlaya Sergi Roberto: “Waxaan jeclahay inaan kooxda ku haysto Sergi Roberto, meel walba wuu ka ciyaaraa, waa damaanad qaad caawana hubaal wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah.”
Xavi: “Dhammaan scenarios waa macquul ciyaarta berri. Extra time, penalty, waan badin karnaa ama guuldaro.... Waxyaabo badan ayaa dhici kara, fikradeenu isma bedeli doonto: cadaadis saar, weerar iyo inaan noqono kuwo protagonist ah. Ha u ogolaan inay dareemaan raaxo. Waxay muujiyeen xamaasad Camp Nou waana inaan ku beegnaa markooda caawa.”
Xavi: “caawa waxaan arki doonaa inaan isbedelnay iyo in kale marka loo eego xusuusihii Anfield ama Roma. Ma dhihi karno waan isbedelnay. Ma aanan joogin shaqada Champions League, waxaan joognaa Europa League. Ma dhihi karno 'waan soo laabanay'... Berrito waa inaan is tijaabinaa oo aan ku cadeynaa garoonka.”
Xavi: “Waxaan ku jirnaa waqti fiican, kalsooni leh, hogaamiyaasha horyaalka, waxaan ku guuleysanay koob. Laakiin waa tijaabo kale, tartan kale. Waa in aan caqli badnaanaa .”
Xavi oo ka hadlaya furayaasha guusha Old Trafford: “Niyad, duels, lahaansho shakhsiyad. Ciyaar bilaa complex ah, iska ilow wixii sanadihii hore ka dhacay yurub Waa waji cusub.”
Xavi: “Waxaa jira shan koob oo aan u tartameyno xilli ciyaareedkan waxaana horey ugu guuleysanay hal. Waxaan joognaa wado dheer oo ka timid semi-final ama finalka laakiin waa tijaabo muhiim ah. Waa koob lumay hadaan lays marin. Aad ayaan ugu faraxsanahay koobka Europa League iyo Copa del Rey."
Xavi cadaadiska saaran: “Waa aniga tababare ahaan. Qof kastaa wuxuu jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro halkaan. Waxaan usheegi lahaa inay isdejiyaan oo dareenkooda xakameeyaan.”
Xavi oo ka hadlaya Marcus Rashford: “Waa ciyaaryahan heer sare ah, waxa uu ku socdaa daqiiqad aan caadi ahayn, laakiin taasi way dhamaan. Ma heyno wax qorsheysan oo aan si gaar ah u joojineyno Rashford. Safkooda oo dhan ayaa ka muhiimsan hal ciyaaryahan. Lkn haa waa in lala xisaabtamaa.”
Xavi oo ka hadlaya Lewandowski: “Weeraryahanadu had iyo jeer waxay u baahan yihiin inay gool dhaliyaan waxayna u taagan yihiin dhaleeceyn. Waxaan eegnaa wax ka badan goolal. Wuxuu sidoo kale sameeyay isbeddel dhanka caawinta ah, sida tii Villarreal. Lewandowski waa ciyaaryahan aad noogu weyn. Wuxuu badalay maskaxdii kooxda iyo waliba guud ahaan naadiga.”
Xavi oo ka hadlaya in Barcelona ay ka xanaaqi doonta ka haritaanaka: “Waxaan halkan u joognaa inaan tartano. Caydu cudur daar ma noqon karto. Waxaan u maleynayaa inaan heysano kooxdii aan ku guuleysan laheyn oo aan ka gudubno cadaadiska.”
Xavi oo ka hadlaya Madridistas Casemiro iyo Raphael Varane: “Labadooduba muhiim ayay u yihiin kooxdooda. Maskaxda, xamaasada. Ciyaarahan oo kale ayay caadaysteen inay ciyaaraan. Waxay leeyihiin khibrad.”
Xavi oo ka hadlaya Pep Guardiola: “Lama hadlin Guardiola. Waxaan la leeyahay xiriir aad u wanaagsan waana wada hadalnaa inta badan. Laakiin maanta shaqo badan ayaa noo taal, caawana ayaan diiradda saarayaa. Waa inoo waqti kale.”
Tags:
Wararka kooxda